b 17,700 askari oo Amisom ah ayay jebiyeen Kenyana wey - TopicsExpress



          

b 17,700 askari oo Amisom ah ayay jebiyeen Kenyana wey gubeen” Dr. Ken Menkhaus “Alshabab 17,700 askari oo Amisom ah ayay jebiyeen Kenyana wey gubeen” Dr Ken Menkhaus oo ah Professor cadaan ah kana tirsan Jaamacadda Davidson College, waxaa uu waaya aragnimo dheer u leeyahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana uu mudo ka soo shaqeeyay gudaha dalka isaga oo fulinayay mashaariic kala duwan. 1994 ilaa xilli dhexe ayuu Ken si rasmi ah ug lug lahaa siyaasadda Soomaaliya waxaana uu la soo shaqeeyay ciidankii Mareykanka ee lagu jabiyay Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyay xafiisyadii UN ee Soomaaliya iyo NGO-yo si gaar ah isaga u hoostagayay. Waxaa uu wax ka qoraa arrimaha geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya halkaasi oo ay in mudo ah ka socdeen dagaallo la iksu hilboobay oo ugu dambeyntii u xuub siibtay halgan iyo Jihaad ilaa hadda ka socda. Dalka Kenya dhowaan waxaa ka dhacay weerarro fajiciso ah oo dhulka dhigay xaruntii ganacsiga ee Kenya waxaana soo baxaya in aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta caalamka ay arinkan si aad ah kaga hadlayaan. Ken Menkhaus ayaa hadaba ayaa wareysi uu siiyay Tv-ga Aljazeera English waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira weerarkii Westgate, awoodda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, Mustqabalka dowladda Kenya iyo xaaladda ciidamada Amisom. Waxaa uu ugu horeyn sheegay in Mujaahidiinta Soomaaliya ay soo mareen masiiro dheer taasi oo ugu dambeyntii soo gaartay inay awoodeystaan islamarkaana fuliyaan camaliyaat qaas ah oo si weyn saamayn u yeeshay. Dr Ken Menkhaus waxaa uu sheegay in Soomaaliya la geeyay ciidamo shisheeye kadib markii la arkay qatar culus oo halkaasi ka soo muuqaneysa, waxaana uu sheegay in sababta Amisom Soomaaliya u tageen uu ahaa inay madaxa kaga fariistaan awood Islaami ah oo halkaasi ka soo muuqatay. Waxaa uu Dr-ku sheegay in Shabaabul Mujaahidiin dagaallo, dhiigbax, samir iyo dulqaad dheeraad ah kadib ay ku guuleysteen inay jabiyaan in ka badan toban iyo todobo kun iyo todobo boqol oo askari (17,700) oo ka tirsan Amisom oo ay askar Kenya ka socota kamid yihiin kuwaasi oo uu sheegay inay gebi ahaanba fashilmeen. Intaasi kadiba ayuu sheegay in Alshabaab ay ku fekereen inay culays dheeraad ah saaraan dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo ka kooban Kenya, Uganda, Burundi, Sierraleon, Djibouti iyo Ethiopia. Uganda ayuu sheegay inay marxaladihii horeba ay Mujaahidiintu fariin culus gaarsiiyeen kadib markii ay qaraxyo xoogan ku weerareen caasimadda Kampala halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 76 ruux oo ay ku jiraan dad cadaan ah. Tallaabadaasi ayuu sheegay inay ahayd mid muujineysa sida ay Alshabaab kaga go`antahay inay gacan culus saaraan cid walba oo ku soo dhiirata inay ciidamadeeda u soo dirto Soomaaliya laakiin waxaa uu sheegay inay dalakka ciidamadooda soo diray ku fashilmeen inay wax ku qaataan. Intaasi kadib ayuu sheegya in Alshabaab ay diyaarinayeen camaliyaat qaas ah oo ay ku naafeeyaan gudaha qaar kamid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya waxaana uu sheegay in howshan ay Alshabaab ku bixiyeen qarash badan iyo feker dheeraad ah. Mudadaasi ayuu sheegay in Alshabaab ka fejerayeen baaxadda weerarrada ay geysanayaan iyo doorashooyin ku aadan dalalka ay weerarayaan. Kenya oo si aan masuuliyadu ku jirin ciidamadeeda ugu soo dhaqaajisay Soomaaliya ayuu sheegay inay durba Shabaabul Mujaahidiin go`aansadeen inay darbad culus ku dhiftaan kadib ku dhowaad laba sanadood oo ay digniino is daba joog ah u jeedinayeen. Hadaba Dr Ken Menkhaus ayaa sheegay in Alshababa ay ku guuleysteen inay ugu horeyn jebiyaan ciidanka Amisom ee Soomaaliya kadib dagaal sanado qaatay intaasi kaibna ay u jiheysteen dhanka Kenya. Mujaahidiinta Soomaaliya ayuu sheegay inay ku guuleysteen inay jiiraan darbi adag oo uu ula jeeday amaanka Kenya oo lagu tilmaami jiray mid adag isagoo tilmaamay in si aad ah loola yaabahnyahay qaabka loo diyaariyay weerarka Westgate. Alshabaab ayuu sheegay inay Kenya ka furteen wado muhiim ah oo ay adagtahay in la xiro, waxaana uu si cad u sheegay in Alshabaab ay ku tallaabsadeen horumar weyn oo ay adagtahay inay gaaraan dowladaha waaweyn. Si kastaba ha ahaatee Dowladda Kenya ayuu sheegay inay ceeb la hoyatay isagoo wejigabax iyo wax laga xumaado tahay in rag kooban ay weeraraan xarun sida Westgate oo kale ah xilli kumanaan ciidamo ah oo feejigan ay il furan isaga ilaalinayeen Alshabaab. Hadaba dowladda Kenya ayuu Ken Menkhaus sheegay inay hor yaallaan laba qiyaar oo midba midka kale ka culusyahay kuwaasi oo dowladdu ku qasbantahay inay qaadato. “Kenya waa inay ugu horeyn isu dhiibto Alshabaab islamarkaana tixgelos dalabkooda xilligaasi oo ay suurtagalayaan ahdaaftii Alshabaab oo ay Kenya u weerareen taasi oo ka dhigan in marxaladda hore Kenya ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kadibna nabad lagu wada noolaado iyadoo aan la ogeyn waxa Alshabaab dib ka sameyn doonaan” Ayuu yiri Dr Ken Menkhaus. Qodobka labaad ayuu ku sheegay in Kenya ay la timaado hanaan amni oo aad u sareeya isagoo tilmaamay in hadii Kenya sidaasi sameyso kaliya ay dib isku sii shideyso isagoo tilmaamay in markii amarku soo baxaba ay ciidanka Kenya ku qamaamayaan dadka Soomaalida ah ee qeybta ka ah bulshada Kenya. Tallaabada dhanka amniga quseysa ayuu sheegay inay si gaar ah u saameyneyso Soomaalida oo ay ciidamadu dhibaato gu eysanayaan sidii horayba u dhacday xilligaasi oo uu sheegay inay Alshabaab furan doonaan wado cusub oo ah inay kasbadaan dadka Soomaalida ah oo naf ahaantooda Alshabaab isku badali doona halkaasina ay Kenya kaga furmi doonaan aagag dagaal oo cusub. Kenya ayuu sheegay inaanay xilligan heyn dariiq ay wax ku hagaajiso marka la eego hanaan dhanka amaanka waxaana hadda ay isha ku heysaa oo kaliya bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi kuwaasi oo looga baahanyahya inay dowladdu ula dhaqanto qaab ka duwan sidii hore hadii kale dhib ayay gacmaheeda ku keensaneysaa. Alshabaab ayuu sheegay inay aargoosiga ku dheereeyaan isagoo tilmaamay inay ka go`antahay in dal walba oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya ay dagaal iyo qiiq ka ridaan islamarkaana dhulka dhigaan amnigiisa iyo dhaqaalihiisa. Weerarka Westgate ayuu si kooban isagoo u sharaxayay waxaa uu sheegay inuu gebi ahaanba dhulka dhigay dhaqaalaha Kenya isagoo sheegay in shirkado badani hadda geedi ka yihiin sidoo kalena cid walbaahi ka cabsaneyso inay u soo safarto, sidoo kale hanaanka amniga Kenya ayuu sheegay inay dhulka dhigeen sidoo kalena ay madaxda dowladda ku rideen jab siyaasadeed oo aanay ka soo kabsan karin. Gebagabadii waxaa uu Dr Ken Menkhaus sheegay in Alshabaab ay yihiin sida doon baroosinka loo siibay oo ku dhex fakatay badda islamarkaana aanay awoodin inay cid hor istaagi karta. Dr Ken Menkhaus, Davidson College. Wareysiga Aljazeera English. (177)
Posted on: Thu, 26 Sep 2013 10:20:41 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015