gambela War saxaafadeed lagu shaaciyay saxaafada aduunka oo dhan - TopicsExpress



          

gambela War saxaafadeed lagu shaaciyay saxaafada aduunka oo dhan ayaa lagu sheegay in wadanka Ethiopia looga dhawaaqay Jabhad ay leeyihiin qowmiyada ganbeela jabhadan oo lamagc baxday jabhada Midiwga Xoraynta Ganbela. Bayaankan saxaafada loo qaybiyay oo nuqul kami ah uu soo gaadhay warbaahinta ogaden24 ayaa lagu sheegay in shacabka ganbeela uu waa cusub ubaryay bayaanka ayaa lagu sheegay in ay Ethiopia qixisay dad kor udhaafaya 20.000 oo haatan kunool wadamada dariska la ha Ethiopia dadkan ayaa ubadan 55% Boqolkiiba haween iyo caruur. Waxaan usheegaynaa nidaamka kajira Adisabab ee kudhisan cabudhinta dilka bara kicinta in aan kuqaadi doono dagalo culus waxaan ugu baaqaynaa shacabka ganbeela meelkasta oo uu aduunka kajoogo in ay uhuraan dhiigooda qaaliga ah sidii aan u xaqiijin lahayn xoriyadeena waxaan doonaynaa in aan kahoos baxno qowmiyada tirada yar ee TPLF ayaa lagu yidhi baayaankii ay soosareen jabhada Midaga Xoraynta Ganbala. Waxaa kale oo ay ka codsadeen qaramada midoobay midawga Africa Igad in ay soo fara galiyaan dhibatada lagu hayo shacabka kunool Gobolka Ganbeela waxaa kalo lagu sheegay in Jabhadaha kajira wadanka Ethiopia iyo gobolka ogadeniya siiba jabhada ugu tunka wayn ee ONLF in ay umidoobaan cadawgooda taariikhiga ah sidii xukunka looga tuuri lahaa arintan ayaa kusoo aadaysa xili ay kacsanyihiin dhamaan shucuubta Ethiopia iyadoo ay wali wado dil barakicin xoogan oo ay kuhayso xukuumadu shucuubta kala gadisan haba ugu daraato gobolka ogadeniya Mardhaw ayay ahayad markii hay’ada kafaaloota xasaradaha aduunka ay liiska hore kudartay Ethiopia dawladaha burburaya 15 sano gudahood
Posted on: Mon, 12 Aug 2013 11:52:17 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015