hadaan ruux gacaloonayo gacan wacan aan siinaayo adigaa guddoon - TopicsExpress



          

hadaan ruux gacaloonayo gacan wacan aan siinaayo adigaa guddoon mudan ,haddaan eego gayaankaan gacal looma quuree garaad wacan inaad tahay garwaaqsoo ogow musbaax baad tahay ifaayoo Muuqaalkaaga wacan baa horey ugu muqsuude saxan saxada roobkiyo si carfoon u jiidaaa saaqeeda ila mid tahay ee hadaan adiga kujeclaan wadnahana ku hibeen yaa kale oo jacecl iga mudan? Waan ku hilooboo hadimadi jaceylkaa i haleeshay anigoo, halis baan ku suganee hanaqa iyo berkiyo wadnaha dhiga habayuu ka samaystay hoy adag. adna hadal macaaniyo haye wali imaad oran hagrashadu ma ficnee sadri oo kula dhalatan ahee iga bi’i haraadkoo hareertaada ila qabo maacnoow miz u hny…. Jawaabta Geeraarka Sida shinnida malabka u jeceshahay dhirta ubaxa kala nooc nooca ah ku daboolan, xoolahana loogu sahmiyo dhulka dooga leh ee ugbaadka ah, cawska iyo xareeduna is dhex taalo? cirkuna daruuruhu hoorayaan qabowga Nairobi aad uu kacsan yahay… waqtigana 2 saac subaxnimo yahay ayaan aniguna u jantay muuqaalkaagiyo dabcigaaga ay naftaydu u dooratay in ay ku aragto? Faaiza Maxamed Issack
Posted on: Wed, 25 Sep 2013 13:19:02 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015