ishabaydhaba/?p=65218 Labadii Qarax ee galabta ka dhacay - TopicsExpress



          

ishabaydhaba/?p=65218 Labadii Qarax ee galabta ka dhacay Magaalada Baydhaba ayaa dadka ku geeriyooday waxaa kujira Labo Wariye oo Caan ka ahaa Magaalada Baydhaba kuwaaasi oo kala ah Weriye Cabdiqaadir Axmed Maaynot oo u shaqeyn jiray Talefeshinkii Somalichannel ee hawada ka baxay iyo Maxamed Isaaq Barre Madka oo ka tirsanaa Kalsan TV. Sidoo kale waxa Qaraxyadaasi ku dhaawacmay Saddex wariye oo lagu kala magacaabo C/qaadir Xasan Ibraahim (Iyeeyow) oo kamid ah Wariye-yaasha Ishabaydhaba, Cabdiqaadir Xasan Jookar oo la shaqeeya Talefeshinka Kalsan iyo Maxamed Aadan Socdaal oo la shaqeeya Radiyaha Dalsan ee magaalada Muqdisho. Casar gaabadkii Maanta ayay aheyd markii Weeraro Ismiidaamin ah ka dhaceen Magaalada Baydhaba ay ku dhinteen in kabadan 11 ruux halka 30 ruuxna ay ku dhaawacantay. Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba Email: Ishabaydhaba@hotmail
Posted on: Fri, 05 Dec 2014 22:21:14 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015