ments duur (1) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda - TopicsExpress



          

ments duur (1) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Galcad24 ayaa ku warramay in magaalada Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya uu ku sugan yahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur. Ilo wareedyo ay xiriir la sameeyay Shabakadda Galcad24 oo diiday in magacooda la soo xigto ayaa noo sheegay in Mr. Duur uu dhowr maalin uu joogay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in uu hadda la degan yahay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia, Abukaate Ceydiid Ilka Xannaf. Hoos Ka Dhagayso Coka MAQAL Ilaa hadda ma cadda wax yaabaha uu ka soo doonay magaalada Muqdisho wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland oo bishii horre xilkaas laga qaaday. Siyaasiyiin ku sugan Hargeysa iyo Muqdisho ayaa noo sheegay in wax yaabaha sababta u ah in xilka la qaado Mr. Duur ay ahayd markii la ogaaday in uu xiriir la lee yahay kooxda DAM-JADIID oo uu ka tirsan madaxweynaha Soomaaliya iyo Xarkada Al-Islaax. Maamulka Somaliland ayaa dhawaan in ay jiraan siyaasiiyin iyo dad xilal horrey uga soo qabtay maamulkaas in ay billaabeen hagar daamo ay ku hayaan gooni isku-taaga maamulka Somaliland, waxaana arrintaas ay soo baxday markii la arkay Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID oo la fadhiya Hotel madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasiiradda xukuumada. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa tiro kalabo jeer waxa ay ku kulmeen dalka Turkiga, waxaana labada dhinac la doonayaa siddii la isugu soo dhaweyn lahaa si markale loo yagleelo magacii Somaliweyn. Readers Comments (0) You must be logged in to post a comment. LIKE SAAR BOGGA GALCAD24.COM qisoj Copyright © 2012 GALCAD24.COM All Rights Reserved.
Posted on: Fri, 19 Jul 2013 00:56:22 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015