qiso cajiib ah nin illahey aad uga fog ayaa u yimid nin sheikh ah - TopicsExpress



          

qiso cajiib ah nin illahey aad uga fog ayaa u yimid nin sheikh ah wuuxu ku yiri shekhow waxan ahay nin illahey ka fog maxad igu la talin laheeyd wuxu yiri sheikhii nin yahow risqiga allah ha cunin sidaad doonti ugu caasi rabbiga ninkii wuxu yiri sideen uga taga risqiga rabbi asiga nagu arsuqee sheikhi wuxu yiri dhulka rabi ka tag meel kale aad ninkii wuxu yiri sideen uga tagaa asiga nagu dul noleysiiyee sheikhii wuxu yiri marku malaku mowdka ku yimaado i dhaaf ku dheh aan iska nolaade sideen u dhaha illahey ayaba so amrayee sheikhii wuxuu yiri meel uu san illahey ka arkeen tag waxad doontid suubi ninkii wuxu yiri inteen ku dhuunta illahey ba i jeeedee melkaston jooge sheikhii wuxu yiri maalinta lagu jiidayo jahanama mala ikta ku jiideyso ku dheh i dhaafa janada aan rabaa ninkii wuxu yiri sideen u dhihi kara illahey wuxu amro ayay suubiyaane sheikhii wxuu ku yiri sided u caasin adigoon waxba awoodin allah swt ninki wuxu yiri waxan tobad keenaya sidaas ayuuna ku tobad keenay allahu akbar mid kastow rabbigaga u tobad keen allah waa gafuur waa raxiim waa rahmaan waa waduud allow no naxariso rabiyow adiga naxariis badane amiin. walal amiin amiin dheh.
Posted on: Sat, 20 Jul 2013 11:07:31 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015