somali wixii uu 42 sano ka hor heesta ka sameeyay mohamud - TopicsExpress



          

somali wixii uu 42 sano ka hor heesta ka sameeyay mohamud abdilaahi sangub heestii afircay midab guumeysi diida ayaa maanta somali meel kasta ku haysata oo kuwii aad xoriyadooda u dagaalamayseen ayaa maanta kalyaha iyo beerka kala baxaaya caruurteeni si xuna u dilaaya yaan ismiidh ma muuqdeen tuunisia ma maageen hadaan midig la siinin boortaqiis ma madhiyeen mana uu malaysteen mozambique angola mindiyihii qarsoonaa qarsoonaa mini lagu miraayey miraayey south africa ma moogin ma moogin hadal iyo murtina waa afrikaay is maqaloo midab guumeysi diida diida dadka oo midooboo dulmigii masoobiyoo nabad lagama maarmoo maalintay xumaatee raga aydu murantaan waranku waa macaanyahay madowgaagag kaan rabin ninkaan rabin muuqaaga kii neceb ninkii neceb kiisana ha meel marin ha meel marin hadal iyo murtina afrikaay ismaqal midab guumeysi diida diida diida diida hadii aan maskaxi talin dhagtu maqal xumaha jira indhuu maalin aragtid luguhu hawsha maamulin gacmuhuna wax kuu qaban cadow kaama maatoo midabkuba sad weeyee sad weeyee ax magacuba dan weeyee dan weeyee ax murtidu dhaxal gal weyee gal weeyee ax hadal iyo murtina afrikaay is maqaloo midab guumeysi diida diida diida madaxdii afrikaay mabda ii guumeysigu magacood be wuxuu yahay wanka macasha ii qabo adigu gawraca ii mari dhiigana aan muudsado sirtii aad ku madhateen ku madhateen maya hadaad tidhaahdaan tidhaahdaan ma afkaa maroorsami maroorsami hadal iyo murtina afrikaay ismaqaloo midab guumeysi diida diida diida diida waa eryadii heestii uu curiyey abwaanka wayn ee mohamud abdilaahi sangub 1971 kii markii ay somalia dalka jira ahayn maantana qof kasta oo caqli leh oo somalia wuu isku miisami karaa xiligaas iyo hada wax u dhaxeeyay waxaney isu jiraan cirka iyo dhulku intuu isu jiro maanta kaliyii dhalin yarada somaliyeed iyo beerkoodii ayaa meelkasta lagula baxayaa oo africa ah kana mida wadamada aynu xiligaas xoriyadooda u dagaalamaynay sida south africa mozembique iyo angola iyo masar iyo qaar kaloo badan maaha iyagu inay la baxayaan kalyaheena iyo beer keena laakiin guumeystihii naxariista darnaa ee haystey ayaa wali maskaxdooda haysta oo guumeysi wali kamuu tagin ee maskaxda ayuu ka haystaa cutub ka mida cutubyada heesta ayaa ah madaxdii afrikaay mabda ii guumeysigu magacood be wuxuu yahay wanka macasha ii qabo adigu gawraca ii mari dhiigana aan muudsado sirtii aad ku madhateen ku madhateen maya hadaad tidhaahdaan tidhaahdaan ma afkaa maroorsami maroorsami hadal iyo murtina afrikaay ismaqaloo midab guumeysi diida diida diida diida alow u sahal somali meel kasta oo ay joogaan qof kastoo somaliyana waa inuu ogaadaa ninkastaaba wuxuu kuu galay iyo wixii uu kuu gudey alow sahal by: mahat hassan roble
Posted on: Tue, 16 Jul 2013 12:29:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015