tihiin inta badan kaaga waramaan faa´iidadda ay iska leedahay - TopicsExpress



          

tihiin inta badan kaaga waramaan faa´iidadda ay iska leedahay guushu amma qiimaha ay ku fadhido runtii waxaa hubaal ah siddaad habeen iyo maalinba uga fekerayso guushu waxa ay tahay in mustaqbalka amma maalin maalmaha ka mid aad la kulanto amma aad gaadho guul. Sidoo kale haddii dadkaasi kaaga sheekeeyaan waxyaabo badan oo ku sahabsan guul darro, iyanna runtii waxaa hubaal ah siddaad habeen iyo maalinba uga fekerayso waxa sabab amma saldhig u ah guul darrooyinkii lagaaga sheekeeyey in mustaqbalka amma maalin maalmaha ka mid aad la kulanto amma aad gaadho guul darro. Sidaas darteed waxaa lama huraan ah oo nolosha bani´aadmiga muhiim u ah mustaqbalkooduna ku horumari karaa waa barashada qaaciidadda iyo qaabka loo abuuro guusha. Dhanka kale haddii aad rabto in aad gaadho guul waa in marka koowaad tallaabadda aad qaadeyso hubisaa in ay saaran tahay hilinka iyo toobiyaha taga tiirka guusha, tan labbaad waxa weeyi in aad Illaahey tallo saarato tallo saarasho dhab ah oo aad ku dhawaaqdo Tawakal Calallaah, tan saddexaadna waxa weeyi in aad wannaag iyo xummaanba qalbigaagu ku qanco Qadarka dambe ee aad kala kulantey qorshihii aad hiigsaneysay iyo tallaabadii aad u qaadey baadi goobka guusha. Haddaba waxaan jecelahay in aan idiin soo bandhigo labbo tusaale oo ku sahabsan faah faahinta arrintan si ballaadhana u taabannaysa tiirasha dhiirigelinta oo qofka bani´aadmiga ah wax fudud uga dhigi karta sidii uu u qaban lahaa hawl culus oo hor taalla qorshaha noloshiisa. Sidoo kale haddii qofkaasi dhiirannaan ka waayo dadka nolosha ku weheliya waxa hubaal ah in qorshihii uu dhismiheeda ku jirey amma guushii uu hiigsanayey ulla muuqanayso mid dhicis ah oo yagleelkeedu dheelitiran yahay, dhab ahaana aan dhameystirmi karin illaa uu qofkaasi hello dhiirigelin dad amma qof kale. Tusaalayaashaas waxaa ka mid ah. 1- Nabbi Muxamed NNKH waxa uu ahaa bashar aan waxba qorin waxna akhrin taasi ammaan bay isagga u aheyd iyo astaan hibbo oo ka mid ah mucjisooyinka Illaahey ku maneystay, wuxuu ku noolaan jirey godkii ku yaalley duleedka Maka ee ku magaca dheeraa "Qaara Xira" maalin maalmaha ka mid waxaa u yimmid Malaku Jibriil wuxuu ku yidhi "Akhri" Nabbiguna NNKH waxa uu yidhi "Anigu waxba ma akhriyo" Markaa buu Malaku Jibriil ugu jawaabey "Magaca Illaahey ku akhri" hadalkaasi wuxuu ahaa dhiirigelin iyo guusha tallaabadii ugu horreysay ee Nabbi Muxamed NNKH himilada iyo hamadiisa dhaqaajisay taasina waxey keentey in markii dambe diinta Islaamku fido dadka dunidda ku nool oo dhana baaq hannuun iyo nabad galyo ku gaadho. 2- Nabbi Muuse CS isagga oo ehelkiisii la socda wakhti habeen ah isla markaana ay ahaayeen reer guuraa ayaa jidkii ay ka lumeen, markaas buu arkey meel dab ka baxayo ehelkiisii buu u sheegay in uu halkaas u tagayo tilmaamsiga jidka ay ka lumeen markuu soo gaadhey buurta magaceeda la yidhaahdo "Duuru Siinaa" ayaa Rabbi SWT u dhawaaqey waxaa loo sheegey inuu u tago Fircoon oo uu ugu yeedho hannuunka diinta Illaahey kalinimadiisana qiro, markaas buu Muuse CS sheegtey cudur daar ay ka mid tahay "In uu nin diley oo uu qoomkaas ka cabsanayo" Rabbi SCW wuxuu u sheegey in uu la socdo oo la jirkiisa yahay sidaas darteedna cabsida iska iloobo, hadalkaasi wuxuu ahaa dhiirigelin iyo guusha tallaabadii u horreysay ee Nabbi Muuse CS himilada iyo hamadiisa dhaqaajisay taasina waxey keentey in Muuse iyo dadkii la jirey ay bad baadaan halka Fircoon iyo kuwii la socdeyna badda bartankeeda ku halaagsameen. Markaa dhiirigelintu waa muhiim waxaanna qurux badan in qofku mar waliba ka garab dhawaado dad wannaaga ku dhiirigeliya si uu qofkaasi u gaadho guul sidaas darteed isku taxaluji in aad xidhiidh toos ah la sammeyso dadka wannaaga kula jecel adiguna ku dadaal in dadka kugu xidhan ee aad nolol waddaaga amma sheeko waddaaga tihiin ku dhiirigeliso wax kaste oo wannaagsan isla markaana horseedi kara horumar taabageliya himilada ummadda. Dhakhaatiirta takhasuska ku ah arrimaha la xidhiidha dhinaca Caafimaadka maskaxda waxey Sheegaan in maskaxda qeybteeda hurudaa ay kaydiso sheekooyinka ugu badan ee maalin kasta ku soo dhaca maqalka dhagaheeda. Sidoo kale waxey sheegaan in qeybtaasi baraarugto amma toosto marka xaalad culusi maskaxda la soo daristo taas oo difaaca ay markaas ku hawlgashaana uu yahay duruustii ay kaydisay oo faa´iido iyo khasaare isugu jira waxaanna difaacaas kaalin mug leh ka qaata labbadaas kalmadood midka ugu badan ee ay kaydisey maskaxdu oo ay waliba u addeegsato xalinta xaaladeed ee la soo daristey sidaas darteed ku dadaal in aad maalin kaste maqasho wax wannaagsan oo ku dhaca kaydka maskaxdaada si marka ay kula soo daristo xaalad culus oo dhinaca maskaxda ah aad ku hawlgasho xidhiidhka difaaca ee kuugu jira kaydka faa´iidadda dabadeedna aad u gaadho xalka guusha. Guushu wakhti wacan bay rabtaa Ku cel celin iyo karti bay rabtaa Sammir iyo dul qaad bay rabtaa Adkeysi iyo dhabar adayg bay rabtaa Dhiiri gellin iyo daddaal bay rabtaa Inaan laga daalin oo lagu dadaaley rabtaa. soo xigte eng/sacad qumane
Posted on: Thu, 05 Sep 2013 20:18:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015