waligaa gabar qalbigeeda haku ciyaarin adigoo og hadalada aad - TopicsExpress



          

waligaa gabar qalbigeeda haku ciyaarin adigoo og hadalada aad dhaheyso inaysan run aheen, waligaa gabar qoraal jaceyl ha u dirin, adigoo og inaysan aheen gabadha kali ee aad qoraal jaceyl udirto, waligaa gabar ha shukaansanin adigoo og bari inaad mid kale shukaansan doontid, haku dhihin gabar adiga ayaan kaa fikiraa marwalbo, halka aad gabdho kale ne ka fikirtid, ha ku dhihin gabar waan kuu xiisay, adigoo og in aadan kala jecleen xitaa inaad dib danbe u aragtid, haku dhihin gabar waan jeclahay, adigoo og inay kaa tahay ciyaar ciyaar. haku dhihin gabar waxaad tahay qofka kaliye ee aan aadka u qadariyo, halka gabar walbane aad sidaas oo kale u qadariso, hala galin gabar balan, adigoo og inaadan oofin doonin balantaas, kalsooni buuxdo hasiinin, adigoo og inaad bari kalsooni daro ku ridi doonto, intaas oo wax markaad gabadha u sameesid waxaad kor u qaadeysaa damaca iyo rajada gabadha, markay aragto inaad qiyaantay oo aad been usheegtay ne aad bay u qalbi jabeysaa, waxaana laga yaabaa inay ragga dhan sas ka qaado.
Posted on: Wed, 09 Oct 2013 14:51:36 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015