wuxuu ahaa wiil aad u wanaagsan balse aad u fudud mar walba uu - TopicsExpress



          

wuxuu ahaa wiil aad u wanaagsan balse aad u fudud mar walba uu qalad galo kama celin jirin oo waan ka aamusi jiray mar marka qaarna wuuba ila saxsanaa wuxuu sidaa ku socdaba maalintii dambe ayuu wuxuu si lama filaan ah u dilay mid ka mid ah dhalinta meesha aan daganayn waxaa la isku dayay in wadada xaqa ah la marsiiyo balse waan difaacay intii karaankayga ah ilaa aan ku guulaysto cida dhibanaha ahayd ee wiilka laga dilay in la siiyo wax u eg diyo balse aan xitaa u qalmin neef ari ah qiimihiisa waasa cadaalad darada ka jirtay markaa meesha aan daganayn iyo dulmiga socday wuxuu sidaa ahaadaba maalintii dambe wuxuu kufsaday gabadhayda waliba hooyadeed horteeda intaa kuma ekaanee wuxuu amray mooryaantii kale ee la socotay in ay saf ka galaan gabadhii iyo hooyadeed galab casir ah aniga oo ka imid magaalada ayaan arkay gurigayga oo la hor dhoobanyahay waan gartay isla markiiba in dhib jiro markaan usoo dhawayhay xaafada ayaa la igu yiri isaaq iyo saaxiibadiisa cidaada ayay fara xumeeyeen waxay ahayd galabtii iigu dhaawaca badnayd qalbi ahaan isla galabtaas ayaan waxaan goostay in aan gacantayda ku suuliyo fasahaadka aan gacantayda kusoo korshay xaaladu sida ay doonto ha ahaatee isaaq wuxuu ahaa wiil aan adeer u ahay oo aan kusoo korshay agoonimo sheekadan waxaan ka qaadan karnaa ficilka xun oo lasii dhiira galsho in cawaaqibkeeda dambe uusan sinaba nagu dhaafayn hala joojiyo xumanta la isku tageerayo wanaagaba hala is faro hadii xumanta aan la isku tagerayn dhib ma jiren
Posted on: Sat, 22 Jun 2013 03:44:13 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015