بسم الله الرحمن الرحيم Maxaa dadkeenna - TopicsExpress



          

بسم الله الرحمن الرحيم Maxaa dadkeenna dayowga ka bi`in kara. Dayowgu waa nooc habowga iyo dhunsanaanta ka mid ah laakiin fog oo xeel dheer. Qofku markii uu habaabo ama dhumo waa is ogyahay wuxuuna bini`aadamka su`aalaa in la tilmaamo isagoo doonaya meeshii saxda ahayd inuu helo, laakiin markii uu dayoobo ma garawsana inuu habowsan yahay lagamana dhaadhicin karo, waana isla saxan yahay isagoo dhunsan. Arrintaasuna waxay shabbahdaa qof waalan oo isdareensan iyo qof waalan oo aan isdareensanayn ee isla saxan, taasoo muujinaysa inuu qofka isdareensani jirro sahlan yahay labadooda. Ummadda soomaaliyeed balaayada ku habsatey waxaa uga sii daran iyadoo dayeysan oo aan haddana is-ogayn meel wax ka jiraanna aan garanayn. Mar waxaa masiibada loo saariyaa qabiilka iyo qabyaaladda. Mar waxaa loo saariyaa xukunxumo iyo madax la`aan. Mar waxaa lala aadaa jahhli iyo aqoon la`aan. Mar kale waxaa lagu sababeeyaa aafo gumaystihii inooka tegey iyo faragelintisii oo joogto ah. Mar waxaa la yiraahdaa masiibdu waa calmaaniyiinta ardada gaalada ah oo iyaga ku xiran dhaqanka shisheeyana xanbaarsan oo ajnabi u adeegga ah. Mar kale waxaa la yiraahdaa sababtu waa soomaalida oo reer guuraa ah oo aan miyir iyo degganaan dhaqan u lahayn iyo dabeecad wax wadaag ah oo ay dawladi ku dhismi karto. Marna waxaa la sheegaa mayee mushkiladda ina haysaa waa xagga diinta oo ay wadaaddadii diintii tafaraaruq geliyeen talana aysan hayn, wax talo iyo ra`yi lala wadaagi karana aysan ahayn. Haddaba wixii ay arrintu tahayba haddii si miyir ah loo baari lahaa sababta xaqaiiqada ah ee masiibada inaku habsatey ka danbaysa waa la heli kari lahaa xalka iyo daawada maxaayeelay wax aan xal lahayni ma jiraan. Qabiilku waa jiritaan Ilaahay abuuray waana dadka laftigiisa sidaas darteed ma uu aha kaankaro iyo jirro ha la gooyo ay run noqon karto ee waa in la helaa sida uu waxtarka iyo wax ku oolka ku noqon karo. Xukunxumada iyo madax la`aantuna ma ahaan karaan wax daa`in ah oo aan laga bixi karin. Jahliga iyo aqoon la`aantuna waa sidoo kale oo iyagana waa laga bixi karaa. Aafada gumaystaha iyo faragelintiisana maaro waa loo helli karaa oo in la iska xoreeyo oo la cayriyaba waa la awooday. Calmaaniyiintuna ma wada aha khaa`inul waddan oo waa suurtagal in laga saxo fikradaha iyo dhaqanka ajnabi oo lagu shubay. Somaaliduna haddii ay dabci reer guuraa leedahay oo aysan dhaqan dawladnimo iyo wax wadaag lahayn waa la bari karaa oo taasu waa wax tarbiyad iyo toosin u baahan. Wadaaddada diinta tafaraaruqa geliyeyna sababtu waa iyagoo noqday ardo carbeed oo isku khaldaya diintii iyo dhaqan-carbeedkii, sidoo kalena isku khaldaya ra`iyigooda iyo naskii diiniga ahaa oo sidaas darteedna ra`yigooda ugu adag sidii ay aayadda ugu adkaan lahaayeen, taasuna waxay u baahan tahay in wadaadka la fahansiiyo inuu qof yahay oo uusan nas diiniya ahayn isaga iyo ra`yigiisa iyo dhaqan-carbeedkuba. Waxaas oo dhammi waxay u baahan yihiin in si u qalanta oo mudankooda ah loo wada dul istaago iyadoo aan la degdegayn ee u fiirsi xeeldheer la kaashanayo iyo baaritaan wax sal gaari kara iyo sidoo kale in la siiyo wakhti ku filan iyo kala hormarinta ay kala mudan yihiin, wixii wakhti dheer ah, wixii wakhti dhow ah iyo wixii wakhti dhexe ahba. Soomaalidu dad xun ma aha ee waa isir noociisu aad qaali u yahay oo isirrada adduunka kuwa ugu horreeya ku jira, mana aha in la bahdilo ama bahdilka cadawga loo jabo ama lagu qiimeeyo marxaladda xanuunka badan oo ay maanta marayso oo ku sugan tahay. Wax baa inaka khaldamay sababo badan oo kulmay ayaana ina harreeyey oo ina hafiyey, waxaynuna nahay isir madi ah oo aan carab iyo Afrikaan, yurub iyo indhayar iyo maraykan toonna aan isir la nooc ah iyo garab toonna ku lahayn, taas oo ay inoo dheer tahay islaantinnimada oo ay gaalada xoogga lihi inaku sii colaadinayso la inoona bahdilayo dalal xafiiltan inaka dhexeeyo oo kiristaan ah ilaa gabadha soomaaliyeed ay jabto oo aqbasho inay dalalkaas guryahooda jaariyad ka noqoto una adeegto gabadhooda asaaggeed ah, taasuna waa waxa gabadha soomaaliyeed laga la`yahay ilaa hadda, mana dhici doonto inshaa Allaahu. Waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa Ilaahay ummaddayda iyo dalkayga ha badbaadiyo, dadkaygana waxaan ku leeyahay: “Soomalaiyeey waa la doogsane yaan la dacaroon”, aan adkaysi iyo dulqaad yeelanno maskaxdana aan tuujinno oo ka soo miirno xalkii waddankeenna, Ilaahayna aan barino inuu tawfiiqda iyo sida khayrka leh ina waafajiyo.
Posted on: Fri, 12 Jul 2013 07:51:04 +0000

Trending Topics



.topicsexpress.com/Why-Why-has-this-happened-to-me-is-a-common-cry-that-topic-618408018275553">“Why? Why has this happened to me?” is a common cry that

Recently Viewed Topics




© 2015