Djibouti ayaa bilad maar ah ka soo hoysay orodka 800m ee cayaaraha - TopicsExpress



          

Djibouti ayaa bilad maar ah ka soo hoysay orodka 800m ee cayaaraha fudud ee adduunka ee ka dhacaya magaalada Moscow ee dalka Russia. Ayaanle Suleymaan oo u ordayay Djibouti ayaa helay biladda maarta ee kaalinta sadexaad. Waxaa tartankan biladda dahabka qaatay Maxamed Aman oo u dhashay Ethiopia, iyadoo kan labaadna uu noqday Nick Symmonds oo Maraykan ah oo qaatay biladda qalinka. Waa markii ugu horaysay ee dalka Djibouti uu helo bilad tan iyo markii Ahmed Salah uu biladda qalinka ah ka qaatay orodka marathon-ka adduunka sanadkii 1991, kaasi oo ka dhacaya magaalada Tokyo ee dalka Japan. Ayaanle Souleiman wuxuu yiri: "caawa Djibouti oo dhan laga dabaaldegayo sababtoo ah buu yiri waa markii ugu horeysay ee bilad dalku helo muddo 25 sano ah. Wuxuu intaas ku daray: "wali waxaan ka qaybgalayaa tartanka 1500m maalinta Arbacada, Ilaahay Idankiina waan ku guulaysan doonaa maxmed cismaan
Posted on: Wed, 14 Aug 2013 08:51:13 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015