GARDAAD Haday guux iyo gumar la shido,guulo keenayso Waxaan - TopicsExpress



          

GARDAAD Haday guux iyo gumar la shido,guulo keenayso Waxaan uga garamaya,inay guu la aan tahay ye Guuxani waxaa lagu gartaa,gaadhi meel galay ye Waxa geed san lo wada guurtee,gumarna loo daayay In indhuhu guduudkaa kunoqon,sow ma garanaysi Ama gaalo looqaylsadaa, geel cas keenayso Waxaan uga garamaya,inay guu la aan tahay ye Gurmad gooba dheer kaa jiro kuu garaabaynin Waa gorof sicii oo godladay geedka laga goyni Ama guud caddaw gudahana guduud gacalo keenayso Waxaan uga garamaya,inay guu la aan tahay ye Gudoon aan gadaal dheer lahayne, gaagax weeyaane Maxay geesiyaal guluf dagaal, garab kasoo jeestay Kolkii geerka loo wada baxee guulla hanan gaadhay La gadood xogtii oo la galay, goor lafila nayne Midba geed ma fuulo dagaal, guuto lookiciye Gomadaha ma loo jaray heshiis, loo gu tirinaynin Gudcur dama habeenki ninki guuro baaleeyo Waa inuu dagaan nadda yaqaan, hadduu galab caraabeene Dibi gaaruftoo goob cidlo ah, aar kusoo gaadhay Uma qabato gaajee, garaad, sow ma gara naayo Ama awr ragaad qabo haduu, reer ku guuraayo Soo gayoodka gortuu la iman, sow magaranaayo Haday gawso cadayn iyo garab la ‘aan lagu gargaarmaayo Ama gaban caruuroo la dilo guusha lagu gaadhi Ama gumaca walal laga dhigtaa geedo bixinaayo Maxaa carabta googooyay oo, gaalada usooray Waxba gabaygu inuu ila durkine, waxan kusoo gaabshay Xeer geedka loo gogol dhigaan, gaar u leenahaye Indheer garato geelana taqaan, guudka eegaane Geelaa dhamaan loo gartoo hawsha gudanaaye Caalamkana garbaa lagu socdaa gabi ahaantiiye Guddibaa na noosoo diroo, geele qaabilay ye Garyaqaan inuu yahay dhamaan, gacanta loo dhiibye Gaaxday abwaanadu qoreen waxaa, goohda lagu gooyay Gaashaan dhig loo bogay, intuu goobtan imanaayo Ama uu gardaadkii yuhuu, galayo taariikhda Kadhex muuqo geelow, adaa aad u garanaaye. Kala soo xidhiidh waxaad ka qabto Cin waanka raacsan ama tilifoonkaa ah « 77637922 »Robleh ali Robleh Veillez contactez Le poète ROBLEH ALI ROBLEH qui parlai de la politique moderne de Djibouti avec mn adresse email : [email protected] MERCI DE VOTRE COMPREHENSION WAAD KU MAHADSANTIHIN WALAL SIDA FIICAN EED U FAHANTEEN
Posted on: Mon, 25 Nov 2013 20:04:00 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015