HUBSIMO HAL BAA LA SIISTAA CAADIFAD NACAYB QOF QIIMA MA LEH Waxan - TopicsExpress



          

HUBSIMO HAL BAA LA SIISTAA CAADIFAD NACAYB QOF QIIMA MA LEH Waxan facebook ku arkay qoraal uu leeyahay nin la yirahdo C/weli Gooni oo aan aqaano wuxuna sheegay in rajadii laga qabay TV puntland ay luntay kadib markii shaqaalaha lagu qaatay qabiilkee tahay, ree abti ma laguu yahay iyo gabar reerka ah ma qabtaa? taasina ay keentay in meeshi oo aan weli al furin ay fashil ku socoto. Ma ahayn hadal noocas ah inaan ka jawaabo waayo anigu maahi qof hada cirka kasoo dhacay oo waxan ahay qof la yaqaano taariikhdisa kana madax nabaan erayo noocas oo kale ah in loo tiiriyo. Lkin waxan arkay kuwo kale oo ninka sidaas u hadlay u jiibiyay si aan xilkasnimo ahayn. Waxan ka xumahay marka sidaa la leeyahay in weli TV iyo radiyaha Puntland uusan heli shaqaalihii ay u baahnaayeen dhinaca xirfadda marka la eego inkastoo la helay dad aqoon ahaan dhisan. Weli waxa baadi goob loogu jiraa dad aqoon fican u leh hawhaas qabiilki ay doonaan ha noqdeene waana sida lagu qaatay inta shaqada ku jirta laguna qaadan dono inta kale ee dhman. Marki aan hadlkaas arkay ayaan dib u raadiyay qabiilka shaqaalaha, qaarkod weli ma garan cid ay u dhasheen sida runta ah, markii aan dadka haybsaday intii kale waxay noqdeen Majeerten kala duwan, Dhulbahante, Warsangeli, Dishiishe, Xawaadle Habargidir, Isaaq, Abgaal. Intaas waa inta aan hubo qof ahaan kuwo kalana way jiraan. Waxan aad uga xumahay in anigoo weli baahi u qaba shaqaale xirfad leh oo ka xun in aanan haysanin tiradii loo baahnaa iyo xirfadii la rabay hadana la dhaho qabiil baa wax lagu qoray. Hadaba C/weil gooni iyo inta la socota ha ogaadeen inay haboonayd inay wax hubsadaan dadkana kala bartaan hadaad aqoon leedahay ama cid aqoon leh aad haysid keen fagaaraha ha la arkee waayo hubsiimo hal baa la siistaa caadifad qof nacayb meel laguma gaaro.
Posted on: Mon, 24 Jun 2013 17:15:11 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015