ISMA OGA ALLENA WAA U SHINTIRIYAA!!!!! - TopicsExpress



          

ISMA OGA ALLENA WAA U SHINTIRIYAA!!!!! W/Q: Mustafa Ahmed Hassan Isla il-bidhiqsigii aan gacanta u fidiyay miskiinka si aan ugu dhiibo xaqal-masaakiinka yar ee aynu inteena badani u fiiqno masaakiinta welise aanu iga guddooman, ayaan ku warhelay gaadhi nooca raaxada ah oo si toos ah noo soo abbaaray, uguna talo galay inuu na jiidho labadayadaba. Naftu waa macaane cagahaygii miciinsaday dhinacna uga booday si aan isu banbaaniyo, haddana intaan yara hakaday ayaan dib u jaleecay miskiinkii oo isagu weli galgalanaya dhulka, iskuna dayaya inta taagtiisa ah inuu naftiisa badbaadiyo. waa curyaan labada cagoodba naafo ka ah, inuu cararo iska dhaafe ma kici karo haddaanu taagero haysan, wuxuu cuskadaa cagaha samayska ah ee curyaamiinta markuu luudis maago. Waa nin da’a dhexe ah, waxaad ka arkaysaa korkiisa baahi farobadan, qiyaastii quudkiisa ma wada helo maalintii, Ilaahayna uma dhamaystirin laxaadkiisa haddii uu shuqul raadsan lahaa. Ninkan iyo in kaloo badan oo la mid ahiba waa dadka wax naylagu tusayo, waa imtixaan dunidan yaalla. Allaah wuxuu eegayaa bal inaad ku mahadnaqdo nimcada faraha badatay ee aad ku naaloonayso iyaga se laga xarrimay, alle wuxuu ina eegayaa bal inaan u naxariisano si uu inoogu naxariisto ama ugu dulmi falno si uu inooga aarsado. Xaqiiqdii looma waayin inta alle inagu galladay ee waa wax isku tus iyo in allaah si walba yeeli karo. Aan usoo noqdo gaadhigiiye, waxaan isku dayay bal inaan u qayliyo cidda fatuurada gudaha ka maamulaysa, se dheg jalaq iima siin. Wuxuu taayirka mariyay kartoon hun ah oo uu miskiinku kulaylka laamiga isaga dhigayay. Waqtigan maskaxdaydu waxay is waydiinaysaa su’aalo fara badan oo aan xad lahayn, mar-marka qaarna waxaan ka gaadhay quus nolosha danbe ee miskiinkan. Si kedis ah ayuu gaadhigii u istaagay, neef aad u wayn ayaa naga soo baxday anigiyo inti aanu wadnaha farta ku wada haynay. Daaqadii gaadhiga ayaa la furay, mise waa oday qiyaastii 70 sanno jir ah oo qaylinaya “Imisaan ku idhi halkan ha fadhiisan waryaa, miyaanan kugu odhan meheradan ha hor fadhiisanin” yaabnay anigiyo intii goobta igula sugnayd, odaygu cadho ayuu karayaa, isma se oga, waa markaan garwaaqsaday inuu ogaan gaadhiga u jiidhsiinayay miskiinka siduu isagu noo sheegay markii danbe “Ogaan ayaan u jiidhsiinayay”!!!!. Waxaan is weydiiyay muxuu galabsaday miskiinkanku, tolow ma wax buu xaday? Oo waaba curyaane ma isaga kici karaya! Waaxaan xaqiiqsaday inaanu wax kale falin se uu ka hor dawarsado meheradan aanu hor taagannahay oo uu iska leeyahay odaygani, halkan uu miskiinku fadhiyaana odayga u tahay meesha uu dhigto gaadhiga (Parking). Odaygii qayladii muu kala joojin, in muddo ah, dhamaantayona isku daynay inaanu u caqli celino, laakiin Cadduur dhaw-dhawdu uma dhacsana! runtii dareenkaygu wuu is badalay waxaan garwaaqsaday odaygu inuu kibirsan yahay se aanu garawsanayn, hal mar oo aan is hayn kari waayay ayay iga soobaxday “Haddii adiga ilaahay cagahaagii gaadhi kuugu daray masaakiinta daa”, haba odhan lahaydaa, anigii isku kay soo rog kulahaa “Ajaanib ayaad u doodaysaa” yaabka yaabkiise, odayga waxaan is idhi waa qolyihii waxoogaaga kasoo xoogsaday qurabaha ee la faquuqi jiray, oo cadhadaas ayaa haysa. Waxaa iga degi wayday jawaabtii uu ii celiyay odaygu, su’aalo hor lehna igu dhalisay. Tolow odaygu muxuu rabaa ma in ajaanibka muslimka ee masaakiinta ah la addoonsado laguna dulmi falo? Miyaano aakhiro xusuusnayn tolow? Oo bishani miyaanay ahayn bishii masaakiinta?. Intaanan jawaab u doonin su’aalahan ayaan isku qanciyay in odayga sidani garasho ka tahay, oo uu calooshiisa la ciyaarayo! Nin dhergay oo aan dadka iyo dalka midna war u hayn inuu yahay, tolow adduunyadu ma maantaa? berri miyaa la hilmaamay?. Waxaan is waydiiyay maxad u tari kartaa si aad ugu hiiliso miskiinkan lagu dulmi falay, markaasaan go’aan saday inaan qalin ugu hiil raadsho. Waxaan bilaabay unkidda maqaalkan kooban een aan idinla wadaagay, si aan isu xasuusinno waajibka inaga saran masaakiinta. Akhriste si aad u dareento waajibkaas, bal hal daqiiqo iska dhig miskiinkaas (ALLE KAAMA DHIGO’E), isgee halkuu taagan yahay ama kaga jiro hab-dhismeedka bulsho, maxaad dareemi lahayd? Maxaad u baahnaan lahayd in laguu qabto? sideed u murugoon lahayd marka lagugu dulmi falo?. Walaal, Akhriste ha dhaafin miskiin ilaahay laxaadkiisa ka qaaday adoon ilaahay u mahad celin isagana ka farxin. MAHADSANID ALLE HA INAGA DHIGO KUWA WANAAGGA IS FARA, XUMAHANA ISKA REEBA Mr. Mustafa A. Hassan (BAE, MEPP)
Posted on: Sun, 04 Aug 2013 06:15:44 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics



No.

© 2015