Qiimeyn Cadufad ku saleysan iyo xog-laaan Sida caadada ah qofku - TopicsExpress



          

Qiimeyn Cadufad ku saleysan iyo xog-laaan Sida caadada ah qofku markuu wax taxliilinaayo waa ineey jirtaa xog uu hayo oo baritaan uu waqti geliyay salka ku heeyso. mararka qaar markaad aqriso qoraalada lagu qaro meelaha Bulshada ku kulanto oo loo yaqaan (Social Media) sida Facebook,Twitter, waxaa ku arkeeysaa fikrado kala duwan oo ku saleeysan qaab caadufadeed iyo xog aad u liidato oo xaqiiqda ka fog. waxaan arkay posts lagu soo qoray halkaan kana hadlaya siyaasad somalia amaanayana ama talo ku bixinayo in dib losoo celsho siyaasi horey xilka wasiirka kowad ee Dalka usoo qabtay ( Farmaajo). Dadka fikradaas qabo waxee ku difaacayaan inuu yahay Shaqsiga keliya intii madax Dalka soo martay ugu wax qabadka ficnaa intuu joogana guula la taaban karo gaaray, rajadii shacabkana soo celshay. waxyaabah ee ku amaanan waxaa ka mid ah inuu aad ula dagaalamay ; musuq maasuqii Dalka la degay uuna sameeyay nidaam wax kala toosiya soona dhisay xukuumad tayo leh oo wax qaban karta, kana yar kuwii hore ee tiro badni iyo wax-qabad laaan isku darsaday. inta lasoo sheegay oo dhan waa jiraan laakiin waxaa is weydiin mudan waxaas oo dhan ma kaligii ayaa qabtay mise wada shaqeen iyo cidkalo oo amaanta la wadaagto ayaa jirto? Aniga waxaan qabaa si kaduwan sida kor ku qoran, waxaan amaan marka hore usoo jeedin lahaa madaxdii soomaliyeed ee talada heysan inta uusan imaan farmaajo kahor oo ugu horeeyo Madaxweynihii Ummda Somaliyeed Muddane ( Sharif Sheikh Ahmed) oo ahaa ninkii siiyay fursada uu ku shaqeeyay( Farmaajo). waxaa marna indhaha laga qabsan karin muddadi sanadka aheed ee soo shaqeyneysan xukuumadii ka horeysay ee u hogaaminaaye Muddane ( Omar A Ali ) oo berigii isaga iyo madaxweynaha eey imaanayee Magaalda muqdisho ee aheed goob lagu dagaalamay si baan dagaalkaas magaalada ka dhigay meel laga qaxay una geestay bur-bur lixaad leh,waxaa kaloo muddan in laxuso ineeysan jirin xukuumad ama madaxtooyo laga dhaxlay shaqo socatay ee ka tagtay. Simply muddane Abdullahi Yussuf markuu xilka ka dagtay wuxu baneeyay CVila Somalia) oo ah Halka Dalka laga xakumay, ma uusan ka tegin Ciidamo Qaran oo dhisan waxaa jiray ciidamo beeleed si-qaas ah u ilaalinaay madaxweynaha iyo ciidamadii Dalka Ethiopia ee Dalka kusoo Duulay oo iyagana Dalka faarujiyay Dagaal dheer kadib. Madaxweyne sharif iyo Mudane Cumar A Rashiid waxee u dhaqaaqen sidii lagu heli lahaa ama loo dar-dar gelin lahaa dhisid Ciidamo qarn si loo shaqeeyo. waxaa Durbo Caasimad Dalka gacanta u gashay AL-shabaab oo ah maanta cadowga keliya ee Ummada somaliyeed, Dowladii shariif waxee kusoo aruurtay Mataxtooya iyo intii ka agdhow, Ciidamada keliya ee isku ilaaliso waa Ciidamdii Amisom oo ahaa Number aad u yar xiligaa. muda sanad ah waxaa u suurtoobay ineey dhisan cadad kooban oo ah Ciidamo qaran, Safaro badan kadib ee helaan Qarash lagu hool galo. Madaxweyne sharif waxaa jirtay oraah loogu magac daray berigaas oo aheed ( Safraaye) weliba Amiinarts wuxuu ka sameeyay sawir uu diyaarad Hawada mareeyso dulsaaran yahay ula jeedkana ahaa in lagu dacaayadeeyo Safarada shaqo uu madaxweynaa aadayo. Nsiin xumo waxaa dhacday markii loo diyaar garoobay in Dalka laga xureeyo Nabbad diidka in eey soo baxday kala aragti duwanasho soo dhexgashay madaxdii Dalka ee berigaas qaasatan Madaxweynaha Iyo Raiisul wasaarah. finally waxaa tanaasul sameeyay muddane Cumar A sharmaarke kana tagay shaqadii qaran. waxaa meesha soo galay farmaajo oo fursad u helay jagadaas iyo hooshi ka horeysay ee lasoo qabtay laguna soo dhisay qaabkii loo shaqeyn lahaa iyo dhaqaalihi ku bixi lahaa. sidaan kor kusoo xusay farmaajo waxa lasiiyay cunno diyaarsan oo u baahan in loo geeyo cidii cunni laheed. waxaa dhacday ninkii intaa isku helay siyaasad xumo darteed inuu muddo kooban kaga dhex baxay dadlkii horey u socdayna uu dib u celshay. Edeymaha uu leeyahay farmaajo. 1- inuu la shaqeeyn waayay Heyadihii Barlamaaniga ahaa ee barigaas jira, isagoo isku dayay inuu isticmaalo awood uusan laheen; sida ka hadlida iyo amar bixinta qaabka uu shaqeeyo barlamankii somaliyeed, waxaba kasii daran mar uu aflagaado u geestay shaqsiyaad ka tirsanaa Barlamankii jiray berigaas. 2- isagoo aan qibrad badan u laheen xiriirka caalamiga ah ee ku dhisan qaab loo yaqaan ( masaalix Mushtarikah) oo ah in wax lees weedarado iyo kuuqada (Diplomatic language ) oo ah iyadoo lees jecleen in leesku qoslo kalfadhiyada caalamka marka lajoogo. waxaa ka mid ahaa wax yaabihi aan aadka ula yaabay isagoo joogo xafiiska qaramada midoobe inuu isticmaalay erayo aan mudneed masuul inuu yiraahdo sida eedeyta U.N usoo jeediyay ee canaanta aheed keentayna ineey isku dhacaan xafiiskeeda Nairobi. 3- Hadalo ama wareysiyo ku saleeysan inuu isaga keliya yahay shaqsiga wax bedelay aanan ka hadlin dadaaladii ka horeeyay ee wax lagu soo qabtay iyo xaladihii adkaay ee hortiisa lagu soo shaqeeyay. 4- Isagoon aan si degan kaga faideeysan fursada sida fudud kusoo gashay, uu noqday nin aan siyaasad degan ku socanin oo shucuurta malintaas keliya ku dhaqmo. iyo waxyaabo badan oo halkaan lagu soo koobi karin oo ka tarjumayo Qibrad yaridii uulaha shaqsigaas. Amaanta qofka kahor waa ineey jirtaa qiimeyn ku saleeysan deganaan iyo cadaalad, waana in leesku bar bar dhigaa qofka intuu qabtay iyo into haloowday kadibna lasiiya natiijada soo baxday. Aniga hadaan qiimeyn sameeyo waxaa isoo baxeeyso intii u qabsoontay xiligiisa waxaa ka badan intii inaga halowday shacab ahaan iyo Dal ahaan. Siyaasadi farmaajo ee liidatay waxan ka dhaxalnay ( Road map iyo lixda saxiixa yaal) waxee soo afjartay rajadii shacabka lahaa iyo guulihii Dowlada somaliyeed. waxee abuurtay sanad foodo iyo dhibaato ilaa aan kasoo gaarnay ama aan Dooranay raga hada noo shaqeeynayo ee badankood shaqada qurxoon. Farmaajo maraan baranay mardanbane uma maleynaayo in Fursad uu qasaariyo lagu aamini doono. waxaan sugnaa waa Weji cusub iyo nin wax qaban kara. Alloow Bedel kheer qaba aan kaa tuugnay. amiin. BY Dahir Sheegoow
Posted on: Tue, 03 Dec 2013 20:43:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015