Tawxiidka: True Testimony Sida Quraanka ku xusan, Tawxiidka - TopicsExpress



          

Tawxiidka: True Testimony Sida Quraanka ku xusan, Tawxiidka ama Shahaadadu waa: La ilaaha illa Allah, oo aan wax kale raacin. Sidaas ayaa Allah, Malaa’iigta iyo kuwa cilmiga lihi u ashahaataan. Bal eeg ayaddan ku xusan Sura AlCimraan, Ayah 18: GOD bears witness that there is no god except He, and so do the angels and those who possess knowledge. Truthfully and equitably, He is the absolute god; there is no god but He, the Almighty, Most Wise. [3:18] Waxa kale oo Quraanka ku xusan, Sura Muxamed, Ayah 19 sidan hoos ku xusan. Waxad ogaata, “Inu Yahay La ilaaha illa Allah.”: You shall know that: "There is no other god beside GOD,"* and ask forgiveness of your sins and the sins of all believing men and women. GOD is fully aware of your decisions and your ultimate destiny. [47:19] Su’aal Erayga “Shahaada” muxuu yahay? Maxaase lagu fasiri karaa? Ma rumeyn ama aaminid ba? Ma cadeynbaa? Ma markhaatinimaa? Sida ku cad Quraanka, erayga macnahiisu waa: Markhaatinimo ama Marag. Marka aad leedahay hadaba, “Ashahaddu a La ilaaha illa Allah, wa ana Muxamed Rasuuululah” waxa aad leedahay, “Waxan Shaahiday ama marag u ahay inu Allah yahay ka keliya, iyo inu Nebi Muxamed yahay Rasuulkii Allah”. Taasi ma tahay sax? Bal aan ka eegno jawaabta Quraanka: Goob jooge ma aheyd oo ma soo Shaahidnay Allah? Jawaabtu waa haa! [7:172] Recall that your Lord summoned all the descendants of Adam, and had them bear witness for themselves: "Am I not your Lord?" They all said, "Yes. We bear witness." Thus, you cannot say on the Day of Resurrection, "We were not aware of this." Goob jooge ma aheyd oo ma soo Shaahidnay markuu Allah gudoonsiiyey Nebinimada, Nebi Muxamed(NNKH)? Jawaabtu waa maya! [28:44] You were not present on the slope of the western mount, when we issued the command to Moses; you were not a witness. Goob-Jooge ma aheyd ama ma shaahiday markuu Allah doortay Nebi Muuse? Jawaabtu waa Maya Sidoo kale, markuu Allah Nebi Muxamed dooranaayey, goob-jooge maad aheyn. Hadaba ha noqon Markhaati-beenlow. Ma rumeysan tahay inu Nebi Muuse yahay Rasuul Allah? Haa. Yaa kuu sheegay? Allah. Ma rumeysan tahay inu Nebi Muxamed yahay Rasuul Allah? Haa. Yaa kuu sheegay? Allah. Dadku waxay u haystaan: Marka Allah iyo nebiga la is raaciyo inay taasi tahay “Nebi Rumeynta”. Marka aad leedahay, “Waxan Shaahiday inu Nebi Muxamed RasuulAlleh yahay” been ayaad sheegaysaa. Waad rumeysay waanan ognahay inu Rasuul yahay, waayo: Allah ayaa noo sheegay, laakiin , goob-ooge maad aheyn markuu Allah Nebiga dooranaayey. Maad la socotay habeenkii Allah dheelmiyey? Eeg Quraanka, Sura Isra, Ayah 1. Maad la socotay markuu Allah la galay Nebigu Allah ballanta? Eeg Sura AliCimraan, Ayah 81. Maad la socotay markuu Allah Nebiga geeyey Meesha barakaysan? Eeg Sura Najm. Maad la socotay Nebiga habeenkii Allah Quraanka kusoo dejinaayey? Eeg Sura Al-Qadr. Intaas oo dhan, goob-jooge maad aheyn, laakiin Allah ayaa noo sheegay, waanan RUMEYNAY. Ha Moodin hadaba, marka Allah iyo nebiga la is raaciyo inay tahay taasi tahay “rumeyn”. Ogow, wax aanad marag u aheyn ayaad ku andacootay. Waa denbi weyn markhaati beenaalenimadu sida ku xusan Aayadan hoos ku qoran: [25:72] They do not bear false witness. When they encounter vain talk, they ignore it. ”Marqaati kama Noqdaan wax aanay arag.” Sidaas ayuu Allah ku sifeeyey muslimka wanaagsan. Wax aanad arag, ha dhihin waan SHAAHIDAY. Si kasta oo waxaasi sax u yihiin. Kuwa sidaas sameeya wuxu Allah ku tilmaamay: Munaafaqiin [63:1] When the hypocrites come to you they say, "We bear witness that you are the messenger of GOD." GOD knows that you are His messenger, and GOD bears witness that the hypocrites are liars. Eedeyn iyo Dhaleecooyin Hadaba, marka aad dadka u tilmaamto aayadahaas quraanka ah, ee sida cad uga soo horjeeda in Allah wax kale lagu lamaaniyo, dadku waxay isla markiiba kugu eedeyn: Nebi Muxamed ayaad diidan tahay! Nebigii ayaad beenisay! Nebigii ma rumeysanid! Iyo wax yaale kale oo faro badan. Ma is weydiisay? Qof Quraanka Allah wada qaatay oo aaminsan aayad kasta, ma kula tahay in u Nebi Muxamed beeniyey ama beenin karo? Ma ogtahay in magaca Nebiga, Quraanka lagu sheegay? Afar (4) aayadood?. Waxa ka mid ah Ayaddan: Waxay Aayadani ku bilaabantaa “Muxamedun Rasuulullah”. Waxa mudan fiiro gaar ah, aayadda ka horeysa, ayada kor ku xusan:: [48:28] He is the One who sent His messenger with the guidance and the religion of truth, to make it prevail over all other religions. GOD suffices as a witness. Wa kafaa bilaahi SHAHIIDAN. Muxamadun RasuuluAllah! Allahu Alkabiir. Ilaah ayaa kuugu filan marqaati, inu Nebi Muxamed yahay rasuul Allah. Sheydaanku waa ka xajiimoodaa: Maxay tahay sababta bani Adamku u jecel yahay inu mar kasta Allah ku laamaaniyo wax kale, sida Nebi Ciise, Ezra, Budha, ama Nebi Muxamed? Jawaabtu waxay ku caddahay Quraanka: [39:45] When GOD ALONE is mentioned, the hearts of those who do not believe in the Hereafter shrink with aversion. But when others are mentioned beside Him, they become satisfied. Marka Allah oo keliya LA XUSO, quluubta kuwa aan Aakhiro rumeysneynin waa xanaaqdaa, laakiin marka Allah wax kale lala xuso, waa farxaan! Ayaddan kale bal u fiirso: [37:35] When they were told, "Lã Elãha Ella Allãh [There is no other god beside GOD]," they turned arrogant. Marka loo sheego, “La ilaaha ila ALLAH” waa kibraan. Hadaba isweydii: 1) Ma tahay la ilaaha illa Allah oo keli ah, Ashahaado kaamil ah? 2) Hadday tahay maxaad ugu dhawaaqi weyday adigoon magaca Nebiga Raacin? 3) Maxaad Magaca Allah iyo Rasuulka Lamaanaha uga dhigaysaa? 4) Ma la kala reebi karaa? Allah waa Waaxid, Masaajidku isaga ayuu khaas u yahay. Ha u yeedhin wax kale markaad Masaajidka joogto: [72:18] The places of worship belong to GOD; do not call on anyone else beside GOD. Ashahaddu an La ilaaha illa ALLAH
Posted on: Tue, 30 Jul 2013 17:05:16 +0000

Trending Topics



ve-this-message-waiting-And-I-topic-10201344352484861">When I open my FB just now, I have this message waiting! And I
The Cory Monteith tribute song list is as follows. Each one of
THE UCL DRAW Group A: Manchester United, Shakthar, Leverkusen,
Good God my phone is blowing up this morning over the news on
Today on StudyLifeUSA: The 2014 U.S. Green Colleges Guide is

Recently Viewed Topics




© 2015