Waayihii aan soo maray!!!!. 12aad. Tar: 21-May-2013 Cayaar - TopicsExpress



          

Waayihii aan soo maray!!!!. 12aad. Tar: 21-May-2013 Cayaar caruureedkii waagaas la cayaari jirey aad ayey u farabadnaayeen, waxaa ka mid ah kuwa aan is leeyahay waaba suuleen hadda oo lamaba yaqaan cayaartii la oran jirey Gariirta, Gariirta waxaa badanaa cayaari jirey gabdhaha laakiin wiilashuna waa cayaari jireen, sida loo ciyaaro waxay ahayd waxaa la qodi jirey god taako in xoogaa ka yar hoos u qodan afkiisuna xoogaa ballaaranyahay, labada qof ee ciyaaraysa qof walba wuxuu soo qaadan jiren 10 dhagax oo yaryar iyo hal dhagax oo xoogaa yar ka weyn tobanka xabbo, qof walba wuxuu dhagxaanta tobanka ah tiro ku gelin jirey godkii la qodey, waxaa loo tirin jire dhagxaanta labo labo, qaab xisaabeedkuna wuxuu ahaa sidaan soo socota ( lame, lamiskaleete, lite, litaabuure, awloojan) ama (loojan, loojan imbili, saane, saanekabbate, ilallaahu) runtii hadaladaan wax lagu tirsan jirey ma garan karo meesha ay ka soo jeedaan laakiin wuxuu ahaa wax ciyaalka oo dhan ay xifdisan yihiin, halka dhagax ee soo haray waxaa la oran jirey Gariir oo ah magaca guud ee cayaarta, dhagaxa gariirta ah ayaa kor loo tuuri jirey kaddibna godka ayaa dhagxaanta laga soo yaacin jirey inta gariirtu kor ku maqantahay marka dhaguxu soo noqdo waa la qaban jirey haddana mar kale ayaa kor loo tuuri jirey waxaana godka lagu celin jirey hal dhagax maahane inta kale, ilaa qofku khaldo asaga ayaa wadan jirey, markuu khaldana kan kale ayaa la wareegi jiray ilaa dhagaxa ugu dambeeya, oo isagana loo tirin jirey sadex jeer ereyo aan ka xasuusto (aay aay koow, aay aay labo, aay aay sadex, karkujum). Cayaaraha wiilasha iyo gabdhuhu wadaageen waxaa ka mid ahaa nacash nacash, alaab alaabeey, yool yoolka, dhuudhuumashowga iyo kuwo kale, gabdhaha waxaa u gaar ahaa gableey shimbirta, ilmo ilmeeyda iyo kuwo kale, wiilasha waxaa u gaar ahaa lagdinta, kaalfootada iyo samsamaanikada, kadhimeey kadhimta, buglaha, bistoolo bistooleyda, boojada, abiteeyda, ukurka, lacag lacageeyda, ilamo lee tahay iska soo daa, xeero jabatay xumburi jabtay, gar surka, dhabdhabta, liifka, batariga, tarraqa, guluuska, Quful quful iyo kuwo kale oo badan. Waxaa kale oo wiilal iyo gabdho wadaageen kuukuunka ama guuguunka, ciyaalku fadhi saf ah ayey gali jireen lugahana waa lala kala bixin jirey waxaa la tirin jirey erayo ayada oo lugaha la taataabanayo lugta ay ku dhamaato ayaa la laabi jirey, waxayna ahaayeen erayadii la akhriyi jirey sidaan ( kuukuun, xalalabi, laaqshoow, billo billo, billo janno, tan maahee, teeda kale, ay ku taal, ay ku timid, tarraq dheh) ama (Kuukuun, caddeey barreey, jeela, jeela, jumaa barreey, afeey muddeey, feera bax) ama (aboow aboow, bintiyaarow, sakeelaha, cabdinaasir, dhakac dhakac, dhamshalikoow, dhaleelyoow, dhuc, deeyaasee, kidamdamoow, daanshoow bax), runtii erayadaan ayaa waxay ahaayeen wax lagu ciyaaro oo lawada xifdisanyahay haddana aan la aqoon macnohooda iyo dhab ahaan meesha ay ka soo jeedaan, waxaa kale oo wiilasha iyo gabdhuhu wadaageen cayaartii la oranjiray xarigga oo ahayd jimicsi aad u fiican. Cayaarahaan waxay ahaayeen kuwo isugu jira jir dhis iyo maskax kobcin, waxay ahaayeen wax aad isugu xira dayarta isku ayniga ah ee meel wada deggan, sidaa darteed carruurta cayaar wadaagga ah waxay ahaayeen kuwo walaalohood iska jecel, kuwo xabbadda rootiga ah kala goosta, cunuggu hadduu ku yiraahdo saaxiibkey waaye ama waa widaaygey waxay ahayd wax weyn, haddii aad saaxiibkiis is dirirtaan waxay u badantahay in uu u hiilliyo, waagaas waligey ma maqal wax qabiil sheegaya ama is weydiinaya. Waxaan meesha ka maqnayn kubbaddii ama banoonigii oo isagu maraaxil ahaa, ka bilow Bugle, Super tel, Abuucirbad, Nomber 5, Maqaar, waa jaadad kubbadaha ka mid ah oo kolba da’ markaad joogtid lagu ciyaari jiray. Runtii waxaa laga yaabaa in dadka qaarkiis ay la yaabaan, in laga sheekeeyo cayaar carruureedkii laakiin waa waayo qurux badan oo aan soo noqon doonin, midda kale waxaan hubaa in qaybo badan oo cayaarahaan ka mid ah ay suuleen oo baabaeen, una malayn mayo carruurtii burburka ka dambaysay in ay wada yaqaanaan cayaarahaan. Waa inoo qormada dambe iyo waxaan u soo joogay.
Posted on: Tue, 29 Oct 2013 19:28:27 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015